Wednesday, September 3, 2025

Dagaal ka socda duleedka degmada Berdaale ee Gobolka Baay

Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka socdo deegaanka Dhejiile, oo hoostaga degmada Berdaale ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dagaalka oo weli socda ayaa u dhexeeya ciidamada Daraawiishta Koofur Galbeed iyo maleeshiyaad hubeysan.

Warar hor u dhac ah ayaa sheegaya  in dagaalka uu bilaabmay saaka waaberigii, kadib markii uu muran ku saleysan dhul ama awood maamul oo muddooyinkii u dambeeyey taagnaa uu isku beddelay iska horimaad hubeysan. Ciidamada Daraawiishta oo ku sugan deegaankaas ayaa la sheegay in ay isku dhaceen maleeshiyaad deegaanka ah oo hubeysan.

Waqtigaan xaadirka ah, lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maadaama ay wali rasaasta socoto.

Goob-joogayaal iyo dadka deegaanka ayaa sheegaya in rasaas culus laga maqlayo xaafado dhowr ah oo ku dhow Dhejiile, taasoo cabsi galisay dadka shacabka ah.

Waxaa sidoo kale hakad galay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee u kala gooshi jiray Berdaale iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo inuu dagaalku ku faafo dhulka kale ee gobolka.

Illaa iyo hadda maamulka Koonfur Galbeed kama uusan bixin war rasmi ah oo ku saabsan dagaalkan, mana jirto cid sheegatay abaabulka kooxda la dagaallamaysa ciidamada Daraawiishta.

Dagaalkan cusub ayaa imaanaya iyadoo gobolka Baay uu marayo xaalad amni oo kacsan, isla markaana uu jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab oo weli ka socda qeybo kamid ah Koofur Galbeed.

Colaado ku saleysan Beelaha ama murannada maamulka ayaa caqabad hor leh ku noqon kara dadaallada nabadeynta iyo xasilinta deegaannadaasi.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles