Saturday, July 4, 2026

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Aadan Yabaal

Ciidamada deegaanka Mabaax, oo hoos yimaada degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, ayaa qaaday weerar qorsheysan oo culus oo lagu beegsaday kooxo ka tirsan Khawaarijta oo is uruursanayay agagaarka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarka, oo si qorsheysan loo diyaariyay, ayaa sababay dagaal xooggan oo halkaas ka dhacay, kaasoo saraakiisha hoggaaminayay ay ku tilmaameen “guul weyn.” Waxaa la xaqiijiyay in tiro badan oo Khawaarij ah lagu dilay halkaas, iyadoo qorshihii cadowgu lahaa si buuxda loo fashiliyey.

Goobta dagaalka oo ku taalla inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal ayaa haatan ah mid ay yaallaan meydad badan oo Khawaarij ah, iyadoo weli la wado qiimeyn ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee la gaarsiiyay cadowga.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dagaalka joogtada ah ee lagu dabar-goynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dhexe, waxayna xuseen in ay sii wadayaan hawlgallo nadiifin ah oo lagu xaqiijinayo amniga deegaannadaas.

Dowladda Federaalka iyo ciidamada deegaanka ayaa isku duuban, iyagoo sii xoojinaya la dagaallanka argagixisada si dalka looga suuliyo kooxaha nabadda diidan.

WARARKII KALE

Wafuud kala duwan oo ku wajahan Baydhabo xilli la qabanayo caleema-saarka Aadan Madoobe

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay waxaa ku wajahan...

Duqeyn ka dhacday Masaajid Cali Gaduud

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday dhul howd ah...

DFS oo si adag u cambaareysay weerar argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerar argagixiso...

Midowga Afrika oo ka digtay saameynta go’aanka Mareykanka ee taageerada AUSSOM

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa shir...

Turkiga oo sheegay in Israa’iil ay xilligan ku jirto raadinta cadow cusub

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay...

 Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles