Wednesday, November 5, 2025

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Dayniile ee Muqdisho

Wararka ka imaanaya degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay qarax miino, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ee soo boodada ah ayaa ka dhacay maqaayad yar oo laga cabo shaaha, taas oo ku taalla laamiga degmada Dayniile, gaar ahaan agagaarka Masjidka Muumino Ceelbuur.

Goob-joogayaal ayaa xaqiijiyay in hal qof oo shacab ah uu ku dhintay qaraxa, halka saddex qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Ninka geeriyooday ayaa la sheegay inuu marayey meel u dhow goobta qaraxa uu ka dhacay.

Goobta qaraxu ka dhacay ayaa sidoo kale ah meel u dhaw bar-koontarool ay ciidamada ammaanku ku baaraan gaadiidka, taas oo keentay in ciidamada si degdeg ah u gaaraan aagga, iyagoo xiray goobta islamarkaana bilaabay baaritaanno.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo rasmi ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Qaraxan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay ku jirto xaalad amni oo isbedel ku yimid, iyadoo la dareemayo mararka qaar degganaansho, balse weli ay jiraan falal lid ku ah nabadgelyada guud ee caasimadda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa”Jidka Buulo-xuubeey oo leh taariikh dheer, waxa uu kamid yahay waddooyinka ugu mudan caasimadda”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, oo dhagax-dhigay...

Wadamada Carabta iyo Islaamka oo ku baaqay in ciidamada Israa’iil si degdeg ah uga baxaan Qaza

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka...

Booliska Canada oo xiray nin cadaan ah oo weeraray qoys Soomaaliyeed

Qaar ka mid ah Soomaalida ku nool Edmonton ayaa...

Weerar lagu qaaday markab ganacsi oo marayay xeebaha Muqdisho iyo Cabsi xooggan oo ka dhalatay

Koox hubeysan ayaa weerar ku qaaday markab ganacsi oo...

Pakistan ciidamo ma u diri doontaa Qaza

Pakistan ciidan ma u diri doontaa Gaza? Afhayeenka ciidamada...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles