Thursday, July 2, 2026

Midowga Afrika oo dalbaday $190 Milyan si loo Sii Wado Howlgalka Nabad-Ilaalinta Soomaaliya

Guddoomiyaha Midowga Afrika,  Maxamuud Cali, ayaa shaaca ka qaaday in howlgalka nabad-ilaalinta ee ka socda Soomaaliya uu wajahayo caqabado dhaqaale, isagoo si degdeg ah ugu baaqay beesha caalamka in la bixiyo $190 milyan oo doollar, si howlgalku u sii socdo loona ilaaliyo guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Mudane Maxamuud Cali oo khudbad ka jeedinayay shir heer sare ah oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, ayaa sheegay in taageerada dhaqaale ay muhiim u tahay sii socoshada howlgalka AUSSOM (African Union Somalia Support Mission), gaar ahaan xilligan ay Soomaaliya ku jirto marxalad xasaasi ah oo dhanka amniga ah.

“Haddii aan si degdeg ah loo helin dhaqaalaha loo baahan yahay, waxaa jiri kara hoos u dhac weyn oo ku yimaada howlgallada amni, taasoo halis gelin karta dadaallada la sameeyay sanadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Howlgalka AUSSOM oo beddelay AMISOM sanadkii hore, ayaa haatan wajahaya marxalad kala guur ah, iyadoo lagu wado in Soomaaliya si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka. Si kastaba ha ahaatee, dhaqaale la’aan iyo qalab xumo ayaa caqabad ku noqday hirgelinta qorshayaashaasi.

Midowga Afrika ayaa codsigan u diray Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, iyo dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya, si loo xoojiyo howlgalka loogana hortago in kooxaha xagjirka ah ay fursad u helaan inay mar kale ku xoogaystaan qaybo ka mid ah dalka.

Baaqan ka yimid Guddoomiyaha Midowga Afrika wuxuu muujinayaa baahida degdegga ah ee loo qabo taageero dhaqaale, si Soomaaliya loo gaarsiiyo xasilooni waarta. Beesha caalamka ayaa hadda wajahay mas’uuliyad adag oo ah in aysan dib ugu dhicin dadaallada nabad-dhisidda ee dalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 01 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo DFS ka caawinaya dagaalka ay kula jirto AS

Dowaladda Mareykanka aya fariin ku aadan munaasabada1ada luulyo la...

Nigeria oo magdhow ka dalbanaysa Koonfur Afrika

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay inay qorshaynayso inay ka dalbato...

Saddex qof oo ugu dhintay Magaalada Mexico dabaal degga Koobka Adduunka

Haweeneey 19 jir ah ayaa kamid ah saddex qof...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay xuska 1-da Luuliyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka...

Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles