IGAD oo Ku Baaqday Dardargelinta Howlgalka Cusub ee Soomaaliya iyo Ka Qaybgalka Ciidamada Masar

Urur-goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah ugu baaqay in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha ay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay u dejisay keenista ciidamada Masar, kuwaasoo qayb ka noqon doona howlgalka cusub ee AUSSOM (African Union Security Support Mission in Somalia) ee badalaya ATMIS.

War-saxaafadeed ay IGAD soo saartay kadib shir ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa lagu xusay in ciidamada Masar ay door muhiim ah ka ciyaari karaan xoojinta nabadda iyo sugidda amniga Soomaaliya. IGAD ayaa muujisay sida ay lagama maarmaan u tahay in si degdeg ah loo dhammeystiro howlaha farsamo ee keenista ciidamadaasi, si loo xoojiyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

“Xaaladda amni ee Soomaaliya waxay u baahan tahay jawaab degdeg ah iyo taageero muuqata oo caalami ah. Keenista ciidamada Masar waxay qeyb weyn ka qaadan doontaa xaqiijinta amniga iyo horumarinta dadaallada dowladda Soomaaliya ee dhanka amniga iyo dowlad-dhiska,” ayaa lagu yiri bayaanka IGAD.

IGAD waxay si gaar ah u adkaysay muhiimadda ay leedahay dardargelinta howlgalka AUSSOM si loola dagaallamo khatarta Al-Shabaab, lana yareeyo halista ay ku hayaan amniga gudaha Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Shirka Kampala waxaa sidoo kale lagu caddeeyay baahida taageeridda hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo sugidda amniga doorashooyinka la filayo, si loo helo xasilooni siyaasadeed iyo mid amni oo joogto ah.

Kaalinta Ciidamada Masar ee Soomaaliya

Ciidamada Masar ee la filayo inay ka mid noqdaan howlgalka AUSSOM ayaa la rajeynayaa inay si toos ah uga qeyb qaataan:

Sugidda amniga caasimadda Muqdisho iyo magaalooyinka waaweyn.

Kordhinta tababarrada iyo tayeynta ciidamada Soomaaliya (Xoogga dalka iyo Booliska).

Ka qeyb qaadashada howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ilaalinta xarumaha muhiimka ah ee dowladda iyo goobaha doorashooyinka.

Ciidamada Milateri ee Masar oo ah mid ka mid ah kuwa ugu xooggan qaaradda Afrika, ayaa loo arkaa mid si weyn u caawin karta Soomaaliya xilligan kala guurka ah ee ay ku jirto.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles