Sunday, July 5, 2026

Nin Muqdisho ku dilay Xaaskiisi hore iyo Hooyadeed

Waxaa xalay xaafad katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ka dhacay fal dad badan ka argagaxeen, kaddib markii nin la sheegay in uu ahaa askari uu dil u geestay xaas ay horey u kala tageen iyo sidoo kale hooyadeed, kaddib markii uu ku weeraray gurigooda.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninkan oo qoray ku hubeysnaa uu yimid guriga ay degneed xaaskiisi hore oo la sheegay in maalmo kahoe la aroosay, waxa uuna halkaasi ku dilay xaaskii ay kala tageen oo magaciisa lagu sheegay Nasteexo Nuur Dable iyo hooyadeed Muslimo Macalin.

Askariga dilka geestay ayaana la sheegay in goobta isaga baxsaday kaddib markii uu dilay xaaskiisi hore iyo hooyadeed, waxaana socda howlgallo ay ciidamada ammaanka ku baadigoobayaan ninkan gacankudhiiglaha ah ee geestay dilka laga argagaxay.

Qof ehel la ah qoyska dhibaatada soo gaaray ayaa sheegtay in ninkan xaaskiisi hore ay kala tageen marar badan ka codsaday in ay isku laabtaan balse ay ka diiday, waxa ayna intaa ku dartay in horey ugu hanjabi jiray una sheegi jiray in uu dilayo, taas oo ugu dambeyn xalay dhacday.

Falalka dilka ah ee salka ku haya maseerka ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana bilooyin kahor sidan oo kale rag maseersan u dileen xaasas ay horey u kala tageen.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha hirshabelle iyo wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray baydhabo

Wafdiga madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe ayaa galabta...

Puntland oo ka digtay in Turkiga ay mashaariic ka fuliyeen deeganadooda

Maamulka Puntland ayaa war uu soo saaray ku caddeeyay...

Wasiir Fiqi iyo Saraakiil ciidan oo tagay Ceeldheer

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi,...

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si adag u eedeeyay MW Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ka mid ah siyaasiyiinta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha PSF

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles