Monday, September 1, 2025

Talyaaniga Oo Soomaaliya Ka Caawinaya Maareynta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tagay xarunta hayโ€™adda Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga (Italian Civil Protection Department).

Wafdigu waxa ay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hayโ€™adda oo kala ah heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo Hayโ€™adda SoDMA.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha Musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay dardar geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles