Talyaaniga Oo Soomaaliya Ka Caawinaya Maareynta Masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho shaqo oo hal toddobaad ah ku tagay xarunta hay’adda Maareeynta Musiibooyinka ee dowladda Talyaaniga (Italian Civil Protection Department).

Wafdigu waxa ay si gaar ah booqasho ugu kala bixiyeen heerarka kala duwan ee xarumaha hay’adda oo kala ah heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Ujeeddada booqashada ayaa ahayd in labada dhinacba ay dhidibada u aasaan xiriir la isaga kaashanayo xirfadaha shaqo iyo aqoonta la xiriirta maareeynta khataraha musiibooyinka.

Waxaa booqashadaas Gudoomiyaha ku wehliyay madax sare oo ka kala socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS iyo Hay’adda SoDMA.

Wafdiga ayaa mid mid u booqday xarumaha muhiimka ah ee nidaamyada Maareynta khataraha Musiibooyinka heerarkooda kala duwan ee Talyaaniga Saddexda heer ee (heer qaran, heer gobol iyo heer degmo).

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in ay dardar geliyaan fulinta qorshe wax ku ool ah oo la isaga kaashanayo dhinacyada u diyaar garowga iyo ka jawaab celinta halisaha dabiiciga ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles