Wednesday, September 3, 2025

Guddoomiye Aadan Madoobe oo fadhiyada Golaha ka mamnuucay xildhibaanada Mucaaradka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ka soo saaray mamnuucida xubno ka tirsan Golaha Shacabka inay ka qeyb galaan fadhiyada Golaha sababo la xiriira amni. Xubnaha la mamnuucay ayaa lagu soo qoray waraaqda rasmiga ah ee lifaaqa ku jirta.

Go’aankan ayaa la gaaray ka dib markii la sameeyay qiimeyn dheeraad ah oo ku saabsan xaaladaha amniga iyo saameynta ay ku yeelan karto shaqooyinka Golaha. Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ka codsaday Guddiga Xeerhoosaadka ee Golaha in ay talooyin iyo talaabooyin ku habboon soo jeediyaan, si waafaqsan Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Iyadoo laga duulayo xaaladaha amni ee jira, Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga xubnaha Golaha iyo adkeysiga hannaanka shaqo ee Golaha.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles