Ra’iisul Wasaare Xamsa “Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay halgan ugu jiraan horumarka qaranka.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin dib-u-dhiska, horumarka, iyo xasillinta dalka, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, kor u qaadista xirfadooda, iyo horumarinta shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

“Maalintan waxa ay fursad u tahay in aynu xasuusanno dadaalka iyo halganka ay shaqaalaha Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta dalka. Xukuumaddu waxa ay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo fursadaha shaqo, iyada oo kor loo qaadayo xirfadaha shaqaalaha, lana dardar-gelinayo nidaamyada lagu tayeynayo shaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa ayaa ku dhiirrigeliyay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay sii laba-jibaaraan juhdigooda, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed si hufan, si ay uga dhabeeyaan dadaalka shaqo ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles