Monday, August 17, 2026

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb galaya shir ka dhacaya Al-geria

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa maanta u ambabaxay magaalada Algiers ee dalka Algeria, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta.

Safarka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jirto xaalad siyaasadeed oo kacsan gudaha Golaha Shacabka, halkaas oo maalmahii lasoo dhaafay uu buuq, muran iyo gacan-qaad ka taagnaa kulamada baarlamaanka.

Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Carabta oo sanadle ah ayaa sanadkan diiradda lagu saarayaa arrimaha siyaasadeed, amni iyo bani’aadanimo ee ka jira dalalka Carabta, iyadoo si gaar ah looga doodi doono xaaladda Falastiin. Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa inuu kulankaasi ka jeediyo khudbad ku saabsan mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira xasilloonida gobolka iyo taageerada shacabka reer Falastiin.

Wafdiga guddoomiyaha ayaa waxaa ka mid ah xildhibaanno, la-taliyeyaal sare iyo saraakiil ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaas oo matalaya Soomaaliya shirkan muhiimka ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles