Monday, August 17, 2026

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa “Shaqaalaha Soomaaliyeed waxay halgan ugu jiraan horumarka qaranka.”

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed iyo qoysaskooda munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa xusay doorka muhiimka ah ee shaqaaluhu ku leeyihiin dib-u-dhiska, horumarka, iyo xasillinta dalka, isaga oo caddeeyay in Xukuumadda DanQaran ay ka goโ€™an tahay ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, kor u qaadista xirfadooda, iyo horumarinta shaqooyinka ay u hayaan bulshada.

“Maalintan waxa ay fursad u tahay in aynu xasuusanno dadaalka iyo halganka ay shaqaalaha Soomaaliyeed ugu jiraan horumarinta dalka. Xukuumaddu waxa ay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo fursadaha shaqo, iyada oo kor loo qaadayo xirfadaha shaqaalaha, lana dardar-gelinayo nidaamyada lagu tayeynayo shaqaalaha,” ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa ayaa ku dhiirrigeliyay shaqaalaha Soomaaliyeed in ay sii laba-jibaaraan juhdigooda, uguna adeegaan shacabka Soomaaliyeed si hufan, si ay uga dhabeeyaan dadaalka shaqo ee ay u hayaan dalkooda iyo dadkooda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles