Monday, August 17, 2026

Wadahadalkii hubka Nukliyeerka Iiraan oo dib loo dhigay

Wareegii afaraad ee wadahadalka Iran iyo Mareykanka oo ku saabsan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran ayaa dib loo dhigay.

Iran waxay sheegtay in labada dal oo ay weheliso Cumaan, oo ah dawladda dhexdhexaadineysa, ay go’aansadeen in dib loo dhigo shirkii Sabtida ee Rome “sababo la xiriira saadka iyo farsamada”. Maraykanku waxa uu sheegay in aan wali la xaqiijin wakhtiga wada hadalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Khamiistii ku hanjabay tallaabo ka dhan ah kuwa iibsada saliidda Iran ama batroolka, ka dib markii Washington ay cunaqabateyn cusub ku soo rogtay toddobaadkan shirkado ay ku sheegtay inay xiriir la leeyihiin Tehran.

Trump ayaa ka baxay heshiiskii hore ee Nukliyeerka ee Iran iyo shanta quwadood ee kale ee caalamka sanadkii 2018-kii.Wuxuu in badan sheegay in la gaari doono heshiis “ka wanaagsan kaas uu ka baxay”

Waxa uu hore uga digay in la qaado tillaabo ciidan, haddii wadahadalladan cusub, oo billowday bishii April, lagu guul-darraysto.

Labada dhinac ayaa ku tilmaamay wadahadalkii ugu horeeyay ee ka dhacay caasimadda Cumaan ee Muscat mid wax dhisaya.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

DFS oo war ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles