Madaxweyne Guudlaawe” Xildhibaan Xaadoole waxaa tahay nin ku haminayo inuu dhigto Isbaaro”

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay fadhiga Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.

“Siyaasad xasiloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.”

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Xaadoole oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, oo dhawaan eedeyn u jeediyay madaxweynaha Hirshabelle.

“Nin ku haminayo inuu isbaaro dhigto oo aan Xaadoole aheyn ma jiro, maalinta lagu doortay ilaa iyo hadda waxaa taagan tahay degmooyinka Balcad iyo Warsheekh inta u dhexeysa, Xildhibaan Xaadoole ka fogow wixii horey laguugu yaqaanay”.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles