Golaha Shacabka oo maanta dib u Furmay Kadib Xal Laga Gaaray Xildhibaanadii Laga Joojiyay Kulamada

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furmaya xarunata Villa Hargeysa ee Muqdisho, kaddib muddo kooban oo hakad ku jiray, taasoo ka dhalatay muran siyaasadeed oo sababay in xildhibaano laga joojiyo ka qeybgalka kulamada.

Xal laga gaaray arrintaas ayaa horseeday in 24 xildhibaan, oo ay ku jiraan xubno mucaarad ah iyo wasiirro, dib loogu fasaxo ka qeybgalka kulamada Golaha.

Xildhibaanadan ayaa horay looga hakiyay ka qeybgalka sababo la xiriira khilaafyo siyaasadeed iyo mooshinno la xiriira hoggaanka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada mucaaradka ah ayaa weli ku adkeysanaya mooshinkii ay horey ugu gudbiyeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe). Mooshinkaasi ayaa la sheegay inuu salka ku hayo eedeymo la xiriira hannaanka hoggaaminta golaha.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in xaaladda weli cakiran tahay, iyadoo laga war sugayo sida Guddoonka Golaha uga jawaabayo mooshinka iyo saamaynta uu yeelan karo khilaafka siyaasadeed ee socda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles