Monday, August 17, 2026

Maxay ka wadahadleen Hoggaamiye Firdhiye iyo Taliye Odawaa?

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Kulankan ayaa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, waxaana lagu lafaguray arrimo dhowr ah oo quseeya amniga, wada-shaqeynta labada dhinac, iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashi buuxa oo lagu xaqiijinayo midnimada iyo amniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka SSC-Khaatumo, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta si looga hortago khataraha amni ee ka jira gobollada SSC.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa dhankiisa adkeeyey diyaar garowga ciidanka ee ku aaddan difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in Taliska Xoogga Dalka diyaar u yahay in uu la shaqeeyo maamulka SSC-Khaatumo si loo helo amni waara iyo kalsooni shacabka dhexdooda ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo ballanqaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeynta iyo kor u qaadidda doorka ciidamada Soomaaliyeed ee difaaca qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles