Saturday, November 15, 2025

Maxay ka wadahadleen Hoggaamiye Firdhiye iyo Taliye Odawaa?

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.

Kulankan ayaa ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, waxaana lagu lafaguray arrimo dhowr ah oo quseeya amniga, wada-shaqeynta labada dhinac, iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashi buuxa oo lagu xaqiijinayo midnimada iyo amniga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka taageerada joogtada ah ee ay siiyaan shacabka SSC-Khaatumo, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta si looga hortago khataraha amni ee ka jira gobollada SSC.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage, ayaa dhankiisa adkeeyey diyaar garowga ciidanka ee ku aaddan difaaca dalka iyo ilaalinta midnimada ummadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale sheegay in Taliska Xoogga Dalka diyaar u yahay in uu la shaqeeyo maamulka SSC-Khaatumo si loo helo amni waara iyo kalsooni shacabka dhexdooda ah.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday isfaham iyo ballanqaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeynta iyo kor u qaadidda doorka ciidamada Soomaaliyeed ee difaaca qaranka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Bandhigga Todobaadka Nabadda oo lagu soo gabagabeeyay Gaalkacyo

Qaar kamid ah maamulka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Puntland...

Guddoomiyaha golaha shacabka BJFS oo loo doortay Guddoomiyaha golaha sharci dejinta Baarlamaanada EAC

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles