Monday, August 10, 2026

Madaxweyne Guudlaawe” Xildhibaan Xaadoole waxaa tahay nin ku haminayo inuu dhigto Isbaaro”

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa si rasmi ah u furay kal-fadhiga 17-aad ee Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay fadhiga Baarlamaanka.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay arrimo dhowr ah.

“Siyaasad xasiloon ayaad ku shaqeyseen, Guddoonka iyo Xildhibaanada Hirshabeelle waxay kaalin weyn ka qaateen howlgalka dabar-goynta Khawaarijta.”

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaan Xaadoole oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka, oo dhawaan eedeyn u jeediyay madaxweynaha Hirshabelle.

“Nin ku haminayo inuu isbaaro dhigto oo aan Xaadoole aheyn ma jiro, maalinta lagu doortay ilaa iyo hadda waxaa taagan tahay degmooyinka Balcad iyo Warsheekh inta u dhexeysa, Xildhibaan Xaadoole ka fogow wixii horey laguugu yaqaanay”.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles