Xamse oo daah-furay shirweynaha Maalgashiga cuntada iyo Beeraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dhiirigelinta waxsoosaarka gudaha oo muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha dalka iyo in la gaaro iskufilnaansho cunto.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay daahfurka Shirweynaha Qaran ee Maalgashiga Cuntada iyo Beeraha, oo lagu soo bandhigay caqabadaha waaweyn ee ku hor gudban kor u qaadista wax soo saarka dalka, ayaa ugu boorriyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashadaan beeraha dalka, si looga maarmo wax yaabaha dibadda laga soo dhoofiyo, iyada oo gudaha dalka laga heli karo.

Mudane Xamsa, oo warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah dhallinyaradii hal abuurkooda ku soo bandhigay madasha shirweynaha, ayaa ku dhiirigeliyey dhallinyarada Soomaaliyeed in ay xoogga saaraan barashada cilmiga la xiriira beeraha, si loo helo jiil ku foogan wax soo saarka dalkooda.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles