Qorshaha lagu canshuurayo lacagaha Telfoonnada laga diro oo la diiday

Xildhibaano katisan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyay xarunta golaha, ayaa si adag uga horyimid qorshaha wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku dooneyso in lacago canshuuro ah uga qaado lacagaha telfoonada la isaga diro.

Qaar kamid ah xildhibaannada ayaa sheegay in aan la aqbali karin in sharci aan baarlamaanka lasoo marin lagu dhibaateeyo shacabka, waxa ayna sheegeen in laga maarmaan tahay in baarlamaanka la horkeeno kaddibna go’aan ka gaaraan canushuurta lagu soo rogayo lacagaha la isaga diro telfoonnada.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan xildhibaannada golaha Shacabka ayaa sheegay in aysan aqbali karin in wasiir seexday waxii uu ku riyoodo umadda sharci uga dhigo, waxa uuna xusay sharci aan baarlamaanka soo marin aan dad waxba looga qaadi karin laguna canshuuri karin.

” Waxaan rabaa in aan ka hadlo arrinta Evc-ga la canshuuraa , waxaan sheegaa sharci aan baarlamaanka soo marin wasiir kuma canshuuri karo , wasiir walbo inta xalay seexday soo riyoodo sidee bajadka ku badsan kartaa uu ku fekero, kaddibna halkaan soo joogsado guddoonkeena soo hoos galiyaan annagu ma rabno, xildhibaanno ayaan nahay waana naqaan waxa shacabkeena iyo dadkeena u fiican ” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale xildhibaan Faa’isa Maxamed Jeyte oo iyana ka hadashay kulanka ayaa sheegtay in aysan aqbalaneyn in shacabka Soomaaliyeed canshuur lagu dhibaateeyo, waxa ayna xustay in shacabka xaq u leeyihiin in sidii kuwa Kenya u kacaan iskana diidaan canshuurta dulmiga ah ee lagu soo rogayo.

Wasiirka Maaliyadda  ayaa shaaciyay in la canshuurayo lacagaha telfoonnada la isaga diro oo inta badan isticmaalana shacabka , iyada oo xusid mudan tahay in dalka uusan xilligan laheyn lacag fiican oo kaash ah oo dadku isticmaali karaan, kuna qasban yihiin dadku isticmaalka lacaga telfoonada laga diro.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles