Wednesday, September 3, 2025

Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle oo xasaanada laga qaaday

Baarlamaanka maamulka  Hirshabelle ayaa maanta yeeshay Kalfadhigiisa 17aad, kulankiisa 2aad, kaas oo looga dooday xaaladda guud ee amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan Xaaji Maxamed oo ay wehliyeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad, Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen 75 Xildhibaan ayaa ajandihiisu ahaa:

1. Ka doodista xaaladda guud ee amniga Dowladda Hirshabelle.
2. Soo jeedinta mooshin ka dhan ah saddex xildhibaan oo Guddiga Anshaxu horey ugu gudbiyay baarlamaanka.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in ay isdiiwaangeliyaan haddii ay doonayaan in ay ka hadlaan mooshinka ka dhanka ah saddexda xildhibaan ee horey looga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada golaha kadib markii lagu eedeeyay ku xadgudubka dastuurka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Kadib dood ay ka qeyb galeen 31 xildhibaan ayaa waxay soo jeediyeen in xasaanadda laga qaado saddexda xildhibaan:

1. Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed
2. Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle
3. Xildhibaan Axmed Cali Abuukar

Kadib Markii cod la geliyay mooshinka natiijadu waxay noqotay:

71 Xildhibaan ayaa oggolaaday
3 Xildhibaan ayaa diiday
1 Xildhibaan ayaa ka aamusay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan ayaa ku dhawaaqay in saddexda xildhibaan ay si rasmi ah u lumiyeen xubinnimada Golaha Wakiillada Dowladda Hirshabelle, sida ku cad Xeer-hoosaadka Golaha qodobka 26 faqrada(d) iyo Qodobka 65aad faqrada 2aad xarfihiisa (d) iyo (e) iyo qodobada dastuurka ee kala ah Qodobka 37aad faqradiisa 5aad, qodobka 41aad faqradiisa (C) oo lala akhriyay qodobka 13aad faqradiisa 1aad.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa xiray Kalfadhiga 17aad, kulankiisa 2aad asigoona faray odayasha dhaqan iyo bulshadii ay matalayeen Seddaxda Xildhibaan in ay soo buuxiyaan ayagoo raacayo habka Dastuuriga ah ee buuxinta Kuraasta ka Banaanto ee Golaha.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 02/09/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

370 qof oo ku geeriyooday ciid ka soo duntay buuraha Marra ee galbeed Sudan

Ku xigeenka isu-duwaha arrimaha bani’aadannimada Qaramada Midoobay u qaabilsan...

Booliska iyo Xeer-Ilaalinta oo gubay Daroogadii ugu halista badneed iyo digniin loo diray Ganacsatada

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer-ilaalinta Qaranka ayaa maanta si...

Shacabka Mandheera oo Dalbaday in Magaalada laga Saaro Ciidamada Jubbaland

Shacabka magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa...

Koox hubeysan oo xalay Nabadoon ku dishay Beledxaawo

Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo ayaa xalay lagu dilay degmada...

Puntland oo sheegtay in ay godadka ku burburisay xubno ka tirsanaa Daacish

Ciidamada difaaca Puntland ayaa Hawlgal culus ka fuliyay togga...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles