Wednesday, June 24, 2026

Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle oo xasaanada laga qaaday

Baarlamaanka maamulka  Hirshabelle ayaa maanta yeeshay Kalfadhigiisa 17aad, kulankiisa 2aad, kaas oo looga dooday xaaladda guud ee amniga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan Xaaji Maxamed oo ay wehliyeen Guddoomiye ku xigeenka 1aad, Mudane Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan.

Kulanka oo ay kasoo qayb galeen 75 Xildhibaan ayaa ajandihiisu ahaa:

1. Ka doodista xaaladda guud ee amniga Dowladda Hirshabelle.
2. Soo jeedinta mooshin ka dhan ah saddex xildhibaan oo Guddiga Anshaxu horey ugu gudbiyay baarlamaanka.

Ugu horreyn Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in ay isdiiwaangeliyaan haddii ay doonayaan in ay ka hadlaan mooshinka ka dhanka ah saddexda xildhibaan ee horey looga joojiyay ka qeybgalka fadhiyada golaha kadib markii lagu eedeeyay ku xadgudubka dastuurka iyo xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Kadib dood ay ka qeyb galeen 31 xildhibaan ayaa waxay soo jeediyeen in xasaanadda laga qaado saddexda xildhibaan:

1. Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed
2. Xildhibaan Saadaq Mukhtaar Cabdulle
3. Xildhibaan Axmed Cali Abuukar

Kadib Markii cod la geliyay mooshinka natiijadu waxay noqotay:

71 Xildhibaan ayaa oggolaaday
3 Xildhibaan ayaa diiday
1 Xildhibaan ayaa ka aamusay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dr. Abdulhakim Luqmaan ayaa ku dhawaaqay in saddexda xildhibaan ay si rasmi ah u lumiyeen xubinnimada Golaha Wakiillada Dowladda Hirshabelle, sida ku cad Xeer-hoosaadka Golaha qodobka 26 faqrada(d) iyo Qodobka 65aad faqrada 2aad xarfihiisa (d) iyo (e) iyo qodobada dastuurka ee kala ah Qodobka 37aad faqradiisa 5aad, qodobka 41aad faqradiisa (C) oo lala akhriyay qodobka 13aad faqradiisa 1aad.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa xiray Kalfadhiga 17aad, kulankiisa 2aad asigoona faray odayasha dhaqan iyo bulshadii ay matalayeen Seddaxda Xildhibaan in ay soo buuxiyaan ayagoo raacayo habka Dastuuriga ah ee buuxinta Kuraasta ka Banaanto ee Golaha.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles