Maamulka G/Banaadir oo la wareegtay guri loo adeegsaday Falal Liddi ku ah Amniga ee ku yaala Xamar Jab jab

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu la wareegay guri ku yaal degmada Xamarjajab, kaasi oo la sheegay in ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga Qaranka.

Gurigan ayaa waxaa lahaa  Fahma Warsame, waxaana afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in gurigaasi noqday meel lagu hayay falal amniga lidi ku ah, iyadoona gurigan uu dhawaan ka dhacay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Gurigan, oo ku yaala Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamarjajab, ayaa ka mid ah goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay isticmaalaan madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in gurigan loogu adeegi doono danta guud ee dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabadgelyada magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles