Tuesday, August 11, 2026

Maamulka G/Banaadir oo la wareegtay guri loo adeegsaday Falal Liddi ku ah Amniga ee ku yaala Xamar Jab jab

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu la wareegay guri ku yaal degmada Xamarjajab, kaasi oo la sheegay in ay ka dhaceen falal lidi ku ah amniga Qaranka.

Gurigan ayaa waxaa lahaa  Fahma Warsame, waxaana afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in gurigaasi noqday meel lagu hayay falal amniga lidi ku ah, iyadoona gurigan uu dhawaan ka dhacay qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

Gurigan, oo ku yaala Isgoyska Ceel-gaabta ee degmada Xamarjajab, ayaa ka mid ah goobaha muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, islamarkaana ay isticmaalaan madaxda ugu sareysa ee dowladda Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in gurigan loogu adeegi doono danta guud ee dalka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay u xaqiijin lahaayeen nabadgelyada magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo loo doortay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaan Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta loo doortay...

Ciidamada Itoobiya oo ka baxay Buurhakaba

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika...

Laftagareen oo Nairobi kula kulmay Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan...

Xildhibaanada Baarlamaanka oo Maanta Dooranaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles