Maxay ka wadahadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Hoggaamiyaha SSC Khaatuma

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaas oo la sheegay inuu ahaa mid diiradda lagu saarayay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka iyo iskaashi dhexmari kara labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin:-

Xoojinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

La dagaallanka argagixisada iyo nabadeynta deegaannada colaadaha ay saameeyeen,

Doorka ay maamul goboleedyadu ku yeelan karaan xal u helista arrimaha SSC-Khaatumo,

Iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa wadahadal iyo iskaashi dhex mara dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa muujiyay taageerada uu u hayo dadaallada ay SSC-Khaatumo ku dooneyso in ay ku xasiliyaan deegaannada ay gacanta ku hayaan, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyadu ka wada shaqeeyaan nabadda iyo wadajirka dalka.

Dhankiisa, Hoggaamiye Firdhiye ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Qoorqoor fursadda kulanka, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso kalsooni dhexmarta madaxda Soomaaliyeed, si looga hortago colaad iyo kala shaki u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu magaalada Muqdisho ka socdo abaabulka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana la aaminsan yahay in wada-hadallada noocan oo kale ah ay horseedi karaan jawi siyaasadeed oo is-faham iyo isu soo dhowaansho ku saleysan.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles