Monday, August 10, 2026

Maxay ka wadahadleen Madaxweynaha Galmudug iyo Hoggaamiyaha SSC Khaatuma

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula yeeshay Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), kaas oo la sheegay inuu ahaa mid diiradda lagu saarayay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda guud ee dalka iyo iskaashi dhexmari kara labada dhinac.

Kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay qodobo ay ka mid yihiin:-

Xoojinta midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,

La dagaallanka argagixisada iyo nabadeynta deegaannada colaadaha ay saameeyeen,

Doorka ay maamul goboleedyadu ku yeelan karaan xal u helista arrimaha SSC-Khaatumo,

Iyo sidii loo dhiirrigelin lahaa wadahadal iyo iskaashi dhex mara dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa muujiyay taageerada uu u hayo dadaallada ay SSC-Khaatumo ku dooneyso in ay ku xasiliyaan deegaannada ay gacanta ku hayaan, isagoo adkeeyay in loo baahan yahay in dhammaan dhinacyadu ka wada shaqeeyaan nabadda iyo wadajirka dalka.

Dhankiisa, Hoggaamiye Firdhiye ayaa uga mahadceliyay Madaxweyne Qoorqoor fursadda kulanka, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la dhiso kalsooni dhexmarta madaxda Soomaaliyeed, si looga hortago colaad iyo kala shaki u dhaxeeya beelaha walaalaha ah.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu magaalada Muqdisho ka socdo abaabulka Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana la aaminsan yahay in wada-hadallada noocan oo kale ah ay horseedi karaan jawi siyaasadeed oo is-faham iyo isu soo dhowaansho ku saleysan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles