Maleeshiyaad Hubeysan oo dad xoolo dhaqato ah ku dilay duleedka degmada Matabaan

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in laba qof oo xoolo-dhaqato ahaa maanta lagu dilay deegaan hoos yimaada degmada Matabaan, kadib markii ay toogteen maleeshiyaad hubeysan oo la rumeysan yahay in ay deegaanka ka soo jeedaan.

Labada marxuum, oo la sheegay in ay asal ahaan ka soo jeedaan magaalada Baladweyne, ayaa la dilay iyaga oo ku sugnaa meel miyiga ah, waxaana falkaas kaddib maleeshiyadii geystay dilka lagu soo waramayaa in ay goobta ka baxsadeen.

Ilaa iyo hadda lama war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada Matabaan ama talisyada ammaanka gobolka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegayaan in ay cabsi badan jirto, islamarkaana xaaladda ay tahay mid kacsan.

Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dilka uu salka ku hayo aano qabiil iyo muran hore oo ka taagan deegaanada hoostaga degmada Matabaan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles