Madaxweynaha Koofur Galbeed oo maanta gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed,Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lagu wado inuu ka furmo caasimadda maalmaha soo socda.

Imaanshaha Laftagareen ayaa kusoo beegmaya xilli ay hore u joogeen Muqdisho madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Galmudug, taas oo sare u qaaday rajada ah in shirku si rasmi ah u qabsoomo.

Wuxuu madaxweynaha lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isagoo ay weheliyaan xubno ka tirsan maamulka Koofur Galbeed iyo wafdi kale oo heer sare ah.

Shirkan Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo muhiim ah sida:

Habsami u socodka hanaanka doorashooyinka dalka,

Dhammeystirka dastuurka,

Qorshaha amniga qaranka iyo la dagaallanka argagixisada,

Xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkan uu qeyb ka noqdo Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, oo isna ku sugan Muqdisho, inkasta oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin doorkiisa shirka.

Sidoo kale waxaa weli ka maqan magaalada Muqdisho madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo aan ilaa hadda caddeyn inay ka qeyb geli doonaan shirka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maraykanka oo war ka soo saaray colaadda Tigraay ee Itoobiya

 Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa ugu baaqday dhammaan...

Al-Burhaan oo gaaray Al-Calamayn, kana qeybgalaya shir madaxeedka

Hoggaamiyaha Golaha Madaxbannaanida KMG ah ee Suudaan, Taliyaha Guud...

DFS oo dhammaystirtay dhismaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhammaystirtay dib-u-abaabulka Qaybta 26-aad ee...

Soomaaliya oo sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wargelin ku saabsan bixitaanka ciidankeeda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan Itoobiya ka helin wax...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles