Wednesday, June 24, 2026

Dagaalka u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya iyo wararkii ugu dambeeyay

Xaaladda u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan ayaa gaartay halkii ugu darneyd, kadib markii Hindiya ay bilowday weerar ballaaran kaas oo lagu bartilmaameedsaday sagaal goobood oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo Kashmir qeybta ay maamusho Pakistan.

Weerarradan ayaa jawaab u ahaa weerarkii argagixiso ee ka dhacay Pahalgam 22-kii Abriil, kaasoo lagu dilay 26 qof oo u badnaa dalxiisayaal Hindu ah.

Hindiya waxay sheegtay in weerarradaas ay ka dambeeyeen kooxo taageero ka hela Pakistan.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Hindiya, weerarrada waxaa lagu dhaqaaqay iyadoo la adeegsanayo gantaallo fogaan-dheer ah,islamarkaana aan la gelin hawada Pakistan.

Hindiya waxay sheegtay in weerarrada lagu dilay 17 dagaalyahan, halka 60 kalena lagu dhaawacay .

Dhinaca kale, Pakistan waxay sheegtay in weerarrada ay sababeen dhimashada saddex qof oo rayid ah, oo uu ku jiro ilmo, iyo dhaawaca in ka badan toban kale.

Sidoo kale, Pakistan waxay sheegtay in ay soo ridday laba diyaaradood oo Hindi ah isla markaana ay burburisay xarun talis oo Hindi ah .

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa weerarrada Hindiya ku tilmaamay “fal dagaal” oo aan la aqbali karin, isagoo ballanqaaday in dalkiisu uu qaadi doono tallaabooyin adag oo jawaab celin ah.

Pakistan waxay sidoo kale ku dhawaaqday xaalad degdeg ah gobolka Punjab, waxayna hakisay duulimaadyadii ganacsiga ee gudaha dalka .

Beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, ayaa ku baaqay in labada dal ay muujiyaan xakameyn si looga fogaado dagaal ballaaran oo ka dhex qarxa labada quwadood ee nukliyeerka leh.

Sidoo kale, Hindiya ayaa hakisay Heshiiskii Biyaha Indus, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay in ay si ula kac ah u yaraysay qulqulka biyaha Webiga Chenab, taasoo sii hurisay xiisadda .

Xiisaddan cusub ayaa ah tii ugu halista badneyd ee ka dhex dhacda Hindiya iyo Pakistan tan iyo sanadkii 2019, iyadoo khubaradu ay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah loo xallin, ay keeni karto dagaal ballaaran oo saameyn ku yeesha gobolka iyo caalamkaba.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles