Dagaalka u dhexeeya Pakistan iyo Hindiya iyo wararkii ugu dambeeyay

Xaaladda u dhaxaysa Hindiya iyo Pakistan ayaa gaartay halkii ugu darneyd, kadib markii Hindiya ay bilowday weerar ballaaran kaas oo lagu bartilmaameedsaday sagaal goobood oo ku yaalla gudaha Pakistan iyo Kashmir qeybta ay maamusho Pakistan.

Weerarradan ayaa jawaab u ahaa weerarkii argagixiso ee ka dhacay Pahalgam 22-kii Abriil, kaasoo lagu dilay 26 qof oo u badnaa dalxiisayaal Hindu ah.

Hindiya waxay sheegtay in weerarradaas ay ka dambeeyeen kooxo taageero ka hela Pakistan.

Sida laga soo xigtay Wasaaradda Difaaca ee Hindiya, weerarrada waxaa lagu dhaqaaqay iyadoo la adeegsanayo gantaallo fogaan-dheer ah,islamarkaana aan la gelin hawada Pakistan.

Hindiya waxay sheegtay in weerarrada lagu dilay 17 dagaalyahan, halka 60 kalena lagu dhaawacay .

Dhinaca kale, Pakistan waxay sheegtay in weerarrada ay sababeen dhimashada saddex qof oo rayid ah, oo uu ku jiro ilmo, iyo dhaawaca in ka badan toban kale.

Sidoo kale, Pakistan waxay sheegtay in ay soo ridday laba diyaaradood oo Hindi ah isla markaana ay burburisay xarun talis oo Hindi ah .

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif, ayaa weerarrada Hindiya ku tilmaamay “fal dagaal” oo aan la aqbali karin, isagoo ballanqaaday in dalkiisu uu qaadi doono tallaabooyin adag oo jawaab celin ah.

Pakistan waxay sidoo kale ku dhawaaqday xaalad degdeg ah gobolka Punjab, waxayna hakisay duulimaadyadii ganacsiga ee gudaha dalka .

Beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, ayaa ku baaqay in labada dal ay muujiyaan xakameyn si looga fogaado dagaal ballaaran oo ka dhex qarxa labada quwadood ee nukliyeerka leh.

Sidoo kale, Hindiya ayaa hakisay Heshiiskii Biyaha Indus, iyadoo Pakistan ay ku eedeysay in ay si ula kac ah u yaraysay qulqulka biyaha Webiga Chenab, taasoo sii hurisay xiisadda .

Xiisaddan cusub ayaa ah tii ugu halista badneyd ee ka dhex dhacda Hindiya iyo Pakistan tan iyo sanadkii 2019, iyadoo khubaradu ay ka digayaan in haddii aan si degdeg ah loo xallin, ay keeni karto dagaal ballaaran oo saameyn ku yeesha gobolka iyo caalamkaba.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles