Warmurtiyeedka xalay ka soo baxay shirka golaha wadatashiga Qaranka

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xalay war-murtiyeed ka soo saaray shirkoodii uga socday magaalada Muqdisho, iyagoo ku gaaray isfaham siyaasadeed iyo wadashaqeyn ku aaddan arrimaha amniga iyo hannaanka doorashooyinka dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa isku raacay in la taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxa kale oo lagu adkeeyay baahida loo qabo in si buuxda loo garab istaago ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya.

Golaha Wadatashiga waxay ku heshiiyeen in dowlad-goboleedyadu si dhow ula shaqeeyaan Guddiga Doorashooyinka, si loo dardargeliyo diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Tallaabadan waxay muhiim u tahay sida war-murtiyeedka lagu sheegay, qabsoomidda doorashooyin xor ah oo lagu kalsoonaan karo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa laga codsaday inay soo diyaariso talo sharci ah oo ku saabsan sida ugu habboon ee loo maarayn karo xaaladda maamulka Jubbaland. Wuxuu Golaha Wadatashigu sheegay in loo baahan yahay in la helo hannaan sharci ah oo xal u noqda khilaafka Jubbaland.

Dhinaca kale, Golaha Wadatashiga wuxuu si rasmi ah u aqoonsaday SSC-Khaatumo inay tahay dowlad-goboleed rasmi ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa lagu heshiiyay in la dhammeystiro shirweynaha SSC-Khaatumo si waafaqsan dastuurka dalka.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles