Ukraine iyo Ruushka oo ku heshiiyey in maxaabiista dagaalka ay isweydaarsadaan

Ukraine iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay isdhaafsadaan 1,000 maxaabiis dagaal ah midkiiba ka dib wadahadal fool ka fool ah oo ah kii ugu horeeyay muddo saddex sano ah.

Taariikhda wareejinta waa la cayimay, laakiin si rasmi ah looma shaacin, wariyaheena Vitaliy Shevchenko ayaa warbixintan ka soo diray Istanbul.

Ukraine ayaa sidoo kale codsatay wadahadal toos ah oo ay la yeelato madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin – Moscow ayaa sheegtay in ay ” diiwaangelisay” codsigan

Saraakiisha Turkiga, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, ayaa fududeeyay wada-hadallada nabadeed – oo labada dhinac ay sheegeen in ay ka mid tahay in laga wadahadlo xabbad joojin suurtagal ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku booriyay “falcelin xooggan” haddii aan heshiis xabbad joojin ah la gaarin wadahadallada ka dib.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu la kulmo Putin “sida ugu dhaqsiyaha badan ee aan awoodno”, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu yidhi “loo baahan yahay dilka in la joojiyo” ka dib kulankii uu Istanbul uu kula qaatay mas’uuliyiinta Ukraine iyo Turkiga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles