Wabiga Shabelle oo Ka Fatahay Magalada Jowhar

Waxaa meel gabagabo ah maraya xiritaanka buq ka baxday tuulada Baareey oo ka tirsan degmada Jowhar.

Dadaalo ay sameeyeen maamulka gobolka kan degmada iyo shacabka ku nool tuulada Baarey ayaa suurtogeliyay in inta badan biyihii ka baxayay buqda la xakameeyo.

Guddoomiyaha tuulada baarey ayaa u sheegtay radio jowhar in uu rajo weyn ka qabo in caawa la soo gabagabeeyo xiritaanka buqda xalay ka baxday deegaanka Baareey.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow iyo Guddoomiyaha  Degmada Jowhar ahna Duqa Magaalada Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, ayaa maanta gaaray Tuulada Baarey oo wabiga Shabelle kasameeyay fatahaad oo saameyn kuyeelatay dadka deegaanka.

Booqashada mas’uuliyiintan ay ku tageen deegaanka Baareey ayaa waxa ay salka ku haysay sidii ay indhahooda ugu soo arki lahaayeen heerka ay gaarsiisan tahay baaxada buqda xalay ka baxday deegaanka Baareey.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka shabelaha dhexe uu ugu horeeyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasadda maxamed cabdi Sheekh iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar    ayaa maanta oo dhan ku sugnaa buqda baareey iyagoo ka qeybqaadanayay sidii loo xiri lahaa buqdan.

Ugu danbeyn mas’uuliyiinta Maamulka gobolka iyo kan degmada jowhar ayaa u Mahadceliyay dadka deegaanka Baarey sida ay isu xilqaameen oo ay  ugu dadaaleen in lagu guuleysto in inta badan buqda la xiro.

 

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles