Ukraine iyo Ruushka oo ku heshiiyey in maxaabiista dagaalka ay isweydaarsadaan

Ukraine iyo Ruushka ayaa ku heshiiyey in ay isdhaafsadaan 1,000 maxaabiis dagaal ah midkiiba ka dib wadahadal fool ka fool ah oo ah kii ugu horeeyay muddo saddex sano ah.

Taariikhda wareejinta waa la cayimay, laakiin si rasmi ah looma shaacin, wariyaheena Vitaliy Shevchenko ayaa warbixintan ka soo diray Istanbul.

Ukraine ayaa sidoo kale codsatay wadahadal toos ah oo ay la yeelato madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin – Moscow ayaa sheegtay in ay ” diiwaangelisay” codsigan

Saraakiisha Turkiga, oo uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, ayaa fududeeyay wada-hadallada nabadeed – oo labada dhinac ay sheegeen in ay ka mid tahay in laga wadahadlo xabbad joojin suurtagal ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku booriyay “falcelin xooggan” haddii aan heshiis xabbad joojin ah la gaarin wadahadallada ka dib.

Dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu la kulmo Putin “sida ugu dhaqsiyaha badan ee aan awoodno”, iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio uu yidhi “loo baahan yahay dilka in la joojiyo” ka dib kulankii uu Istanbul uu kula qaatay mas’uuliyiinta Ukraine iyo Turkiga.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles