Kulanka Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Baaqday iyo cabsi laga qabo mooshino

Maanta oo Sabti ah, waxaa baaqday kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee keentay baaqashada kulankaasi ay tahay cabsi laga qabo mooshin laga keeno qaar ka mid ah madaxda sare ee dalka, waxaana arrintan abuurtey walaac iyo dareen siyaasadeed oo horseeday in kulanka maanta aan la qaban.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in todobaadkan uu noqdo kii ugu dambeeyay ee fadhiyada Golaha Shacabka, maadaama ay foodda nagu soo hayso munaasabadda Ciidul Adxaa oo maalmo kooban ay naga xigaan. Sidaas darteed, fadhiyada rasmiga ah ayaa lagu wado in la joojiyo si xildhibaanadu ugu baxaan fasaxa ciidda.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo khilaafaad siyaasadeed oo hoose uu dhexeeyo guddoonka iyo xildhibaanada iyo madaxda Sare ee dowaldda, waxaana loo arkaa in mooshinku noqon karo mid saamayn ku yeesha xasiloonida hay’adaha dowladda, hadii uu si rasmi ah u dhacdo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles