Tuesday, March 3, 2026

Dagaal maalintii labaad ka socda Gobolka Shabeelada Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka  oo garabsanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa inta u dhexeysa degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceeldheere Buraale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya  iyadoo dagaallo halkaasi ka socday ay galeen maalintii labaad, iyadoo la xaqiijiyey in ay jiraan khasaare labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga helin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Labada dhinac  ayaa xalay isku hor fadhiyay jiida  hore ee dagaalka, iyadoona saaka uu dagaal ka qarxay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay qorshaha lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobolka.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in ay Al-Shabaab uga saarto deegaannada ay weli gacanta ku hayaan, iyadoo taageero ka helaysa dadka deegaanka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles