Wednesday, April 22, 2026

QM oo ka digtay saameynta dhaqaale yari ee ku yeelan karto Gargaarka Soomaaliya iyo Yemen

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in sanadkan 2025 ay dib u eegis ku sameyn doonto qorshaheeda gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyo Yemen, sababo la xiriira hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta caalamiga ah ee dhinaca bani’aadannimada, xilli baahiyaha labadaas dal ay weli yihiin kuwo ba’an oo degdeg ah.

Afhayeenad ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay, Stephanie Tremblay, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada New York ku sheegtay in hay’addu ay saddexdii bilood ee u dambeysay samaysay dib u eegis buuxda oo ku saabsan jawaabaha bini’aadantinimo ee laga bixin karo dalalkaasi. Tremblay ayaa tilmaantay in la tixgelinayo sidii kheyraadka yar ee la heli karo loogu adeegsan lahaa qaab wax-ku-ool ah, si gargaarka naf-badbaadinta u gaaro dadka ugu nugul.

Waxay sheegtay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaashooda ay la tacaalayaan hoos u dhac aan horay loo arag oo ku yimid maalgelinta, taasoo keentay in la dhimayo barnaamijyo muhiim ah oo naf-badbaadin ah, kuwaas oo malaayiin qof ay ku tiirsanaayeen.

Ms. Tremblay ayaa intaas ku dartay in baahiyaha lagu qeexay qorshaha bini’aadantinimo ee 2025 ay yihiin kuwo sax ah oo degdeg ah, hase yeeshee la ballaarin karo haddii maalgelin dheeraad ah la helo, si gargaar loo gaarsiiyo dhammaan dadka la bartilmaameedsanayo.

“Cawaaqibta ka dhalan karta maalgelin la’aanta waxay noqon doontaa kuwo aad u xanuun badan,” ayay tiri Tremblay. “Malaayiin qof ayaa wajihi doona gaajo daran, biyo la’aan iyo xirnaanshaha adeegyada caafimaad, taasoo sare u qaadi doonta heerka dhimashada iyo faafitaanka cudurrada.”

Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyn ku baaqday in beesha caalamka ay kordhiso taageerada ay siiso barnaamijyada gargaarka, si looga hortago musiibo bini’aadantinimo oo sii baahata

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo caawa kulan xasaasi ah la leh xildhibaano ka tirsan BFS

Mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Shariif...

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles