Wednesday, July 9, 2025

QM oo ka digtay saameynta dhaqaale yari ee ku yeelan karto Gargaarka Soomaaliya iyo Yemen

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in sanadkan 2025 ay dib u eegis ku sameyn doonto qorshaheeda gargaarka bini’aadantinimo ee Soomaaliya iyo Yemen, sababo la xiriira hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta caalamiga ah ee dhinaca bani’aadannimada, xilli baahiyaha labadaas dal ay weli yihiin kuwo ba’an oo degdeg ah.

Afhayeenad ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay, Stephanie Tremblay, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada New York ku sheegtay in hay’addu ay saddexdii bilood ee u dambeysay samaysay dib u eegis buuxda oo ku saabsan jawaabaha bini’aadantinimo ee laga bixin karo dalalkaasi. Tremblay ayaa tilmaantay in la tixgelinayo sidii kheyraadka yar ee la heli karo loogu adeegsan lahaa qaab wax-ku-ool ah, si gargaarka naf-badbaadinta u gaaro dadka ugu nugul.

Waxay sheegtay in hay’adaha Qaramada Midoobay iyo la-hawlgalayaashooda ay la tacaalayaan hoos u dhac aan horay loo arag oo ku yimid maalgelinta, taasoo keentay in la dhimayo barnaamijyo muhiim ah oo naf-badbaadin ah, kuwaas oo malaayiin qof ay ku tiirsanaayeen.

Ms. Tremblay ayaa intaas ku dartay in baahiyaha lagu qeexay qorshaha bini’aadantinimo ee 2025 ay yihiin kuwo sax ah oo degdeg ah, hase yeeshee la ballaarin karo haddii maalgelin dheeraad ah la helo, si gargaar loo gaarsiiyo dhammaan dadka la bartilmaameedsanayo.

“Cawaaqibta ka dhalan karta maalgelin la’aanta waxay noqon doontaa kuwo aad u xanuun badan,” ayay tiri Tremblay. “Malaayiin qof ayaa wajihi doona gaajo daran, biyo la’aan iyo xirnaanshaha adeegyada caafimaad, taasoo sare u qaadi doonta heerka dhimashada iyo faafitaanka cudurrada.”

Qaramada Midoobay ayaa ugu dambeyn ku baaqday in beesha caalamka ay kordhiso taageerada ay siiso barnaamijyada gargaarka, si looga hortago musiibo bini’aadantinimo oo sii baahata

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles