Xamaas oo sheegtay in wada-hadallada cusub ee Israa’iil ay billowdeen

Xamaas ayaa sheegtay in wada xaajoodayaasheeda ay fureen wareeg cusub oo wadahadal ah oo looga gol leeyahay in lagu soo afjaro dagaalka Gaza, saacado kadib markii Israa’iil ay qaadday weerar xooggan.

Taher al-Nounou, oo ah la taliyaha madaxa Xamaas, ayaa BBC u sheegay in wareeg cusub oo wada xaajood ah uu si rasmi ah uga bilaabmay magaalada Dooxa maanta. Ma jirin wax shuruud ah oo labada dhinac ka soo baxay, waxaana miiska wada-hadallada saarnaa dhammaan qodobbada.

Israel Katz, wasiirka difaaca Israa’iil, ayaa sheegay in wada xaajoodyada Xamaas ay dib ugu laabanayaan wadahadalada dadban ee Qadar si ay heshiis uga gaaraan la haystayaasha.

Katz ayaa ku tilmaamay tillaabadan “ka bixitaanki mawqifkii diidmada ee ay ilaa waqtigaas qaadanayeen”.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles