Dagaal maalintii labaad ka socda Gobolka Shabeelada Dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka  oo garabsanaya kuwa dadka deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa inta u dhexeysa degmada Aadan Yabaal iyo deegaanka Ceeldheere Buraale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya  iyadoo dagaallo halkaasi ka socday ay galeen maalintii labaad, iyadoo la xaqiijiyey in ay jiraan khasaare labada dhinac soo kala gaaray, inkastoo aan weli faahfaahin rasmi ah laga helin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Labada dhinac  ayaa xalay isku hor fadhiyay jiida  hore ee dagaalka, iyadoona saaka uu dagaal ka qarxay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay qorshaha lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobolka.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada isdaba joogga ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku doonayso in ay Al-Shabaab uga saarto deegaannada ay weli gacanta ku hayaan, iyadoo taageero ka helaysa dadka deegaanka.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles