Tuesday, April 21, 2026

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa in Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan lagu dilay dagaallada culus ee ka socda xadka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay Cabdi Yuusuf Salaad oo ku magac dheeraad Cabdi Goomey, iyadoo la sheegay inuu ku dhintay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay maanta agagaarka degaanka Ceelhareeri ee degmada Moqokori.

Taliye Cabdi Goomey ayaa ka mid ahaa taliyeyaasha ugu waaweyn ee Macawisleyda Gobolka Hiiraan, waxaana si weyn loo bartay sanadkii 2022, markii lagu abaal mariyay lacag dhan 10,000 dollar, markii uu Madaxa kasoo jaray xubno ka tiirsan Alshabaab.

Geeridiisa ayaa gilgishay baraha bulshada, waxaana tacsi u diray dad badan oo reer Hiiraan, kuwaasi oo sheegay inuu ahaa geesi muhiim u ah dagaalka ay Alshabaab kula jiraan reer hiiraan.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay dileen Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan Cabdi Yuusuf Salaad Goomey oo ay sheegeen inay  muddo dheer ku raad joogeen.

Waxay ku eedeeyeen inuu dilay Madixii Maaliyada ee Alshabaab ugu qaabilsanaa Gobolka Hiiraan..

Dilka Taliyihii Macaawisleyda Gobolka Hiiraan Cabi Goomey ayaa yimid 24 saac gudahood, iyadoo shalay si shirqool ah loo dilay Taliyihii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo askari ka mida ciidamadiisa la sheegay inuu toogtay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Sheekh Shariif oo caawa kulan xasaasi ah la leh xildhibaano ka tirsan BFS

Mucaaradka oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee dalka Shariif...

Booliska G/Baay oo mamnuucay in hub lagu wato Baydhabo

Hay’adaha ammaanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay...

Taliyaha ciidamada xoogga oo gaaray Berdaale

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in muddo xileedka dawladdu uu yahay 5 sano

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Mucaaradka oo kulamo xasaasi ah la leh culimada Soomaaliyeed

Siyaasiinta mucaaradka ee Soomaaliya ayaa maanta kulan muhiim ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles