DF oo ka hadashay qaraxii ka dhacay Xerada Damaanyo ee Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed rasmi ah kasoo saartay qaraxii saaka ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidanka Damaanyo ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof naftiisa haligay, balse ciidanka ilaalada xerada ay ka hortageen in falkaasi sababo khasaare baaxad leh. Qaraxa ayaa dhacay saacaddu markay ahayd abaare 09:20am, xilli dad shacab ah oo isugu jiray dhalinyaro doonaysay inay ku biiraan ciidanka ay ku sugnaayeen agagaarka xerada.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa intaa ku dartay in hay’adaha amniga ay wali wadaan baaritaanno iyo xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in ay sugaan wararka rasmiga ah ee kasoo baxa laamaha amniga.

“Ciidanku waxa ay ka hortageen in dhagar qabuhu gaaro yoolkiisa ahaa in uu khasaaro xooggan gaarsiiyo shacabka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaraddu waxay sidoo kale sheegtay in faahfaahin dheeraad ah oo dhameystiran laga soo saari doono qaraxa goor dhow.

Qaraxan ayaa imanaya xilli ay korodhay feejignaanta amni ee caasimadda, waxaana wali socda baaritaanno lagu ogaanayo cidda ka dambeysay qaraxa.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles