Wednesday, July 9, 2025

Dagaal lagu dilay Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa in Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan lagu dilay dagaallada culus ee ka socda xadka Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxaa la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay Cabdi Yuusuf Salaad oo ku magac dheeraad Cabdi Goomey, iyadoo la sheegay inuu ku dhintay dagaalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay maanta agagaarka degaanka Ceelhareeri ee degmada Moqokori.

Taliye Cabdi Goomey ayaa ka mid ahaa taliyeyaasha ugu waaweyn ee Macawisleyda Gobolka Hiiraan, waxaana si weyn loo bartay sanadkii 2022, markii lagu abaal mariyay lacag dhan 10,000 dollar, markii uu Madaxa kasoo jaray xubno ka tiirsan Alshabaab.

Geeridiisa ayaa gilgishay baraha bulshada, waxaana tacsi u diray dad badan oo reer Hiiraan, kuwaasi oo sheegay inuu ahaa geesi muhiim u ah dagaalka ay Alshabaab kula jiraan reer hiiraan.

Dhinaca kale Alshabaab ayaa sheegatay inay dileen Taliyihii ciidamada Macaawisleyda Gobolka Hiiraan Cabdi Yuusuf Salaad Goomey oo ay sheegeen inay  muddo dheer ku raad joogeen.

Waxay ku eedeeyeen inuu dilay Madixii Maaliyada ee Alshabaab ugu qaabilsanaa Gobolka Hiiraan..

Dilka Taliyihii Macaawisleyda Gobolka Hiiraan Cabi Goomey ayaa yimid 24 saac gudahood, iyadoo shalay si shirqool ah loo dilay Taliyihii Guutada 26-aad, qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/Sare Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo askari ka mida ciidamadiisa la sheegay inuu toogtay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/07/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Maxay ka wadahadleen wasiir Fartaag iyo wafdiga Q.M.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi...

Fiqi oo beeniyay in DF ay ciidamo geynayso Sanaag

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu...

Ergooyin ka qeyb galaya shirka lagu dhameystirayo maamulka SSC Khaatuma oo ku wajahan Laascaanood

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa maanta martigelin...

Ciidamada DFS iyo kuwa dadka deegaanka oo wada abaabul ay markale ku qabsanayaan Moqokori

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in...

Soomaaliya oo isu diyaarineysa ka qaybgalka ciyaaraha jaamacadda Carabta

Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, Maxamed Cabduqaadir Cali,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles