Xuutiyiinta Yemen oo ku hanjabay in ay weerar ku qaadaan Isra’iil

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay weerarro ballaaran ku beegsan doonaan Israa’iil, iyagoo adeegsanaya hub casri ah oo cusub. Bayaan ay soo saareen ayay ku sheegeen in weerarradan ay yihiin jawaab toos ah oo ku aaddan xasuuqa sii kordhaya ee Israa’iil ka waddo marinka Qasa, halkaas oo boqolaal rayid ah ay ku dhinteen duqeymo cusub oo cirka ah.

Xuutiyiintu waxay hoosta ka xariiqeen inay “mas’uuliyad Islaami ah” ka saaran tahay inay ka jawaabaan gardarada ka dhanka ah shacabka Falastiin. Sidoo kale, waxay digniin u direen maraakiibta shisheeye ee ka howlgasha Badda Cas, iyagoo sheegay in bartilmaameedkoodu uu ballaadhan doono haddii aan cadaadis la saarin Israa’iil si ay joojiso dagaalka Qasa.

Israa’iil weli kama aysan jawaabin hadalkan cusub, balse khubarro amni ayaa sheegaya in ay korortay halista weerarro cusub oo ka yimaada dhanka Badda Cas iyo marinada muhiimka ah ee ganacsiga.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles