Taliyaha NISA iyo mas’uuliyiin kale oo gaaray degmada Moqokori ee G/Hiiraan

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), C/llaahi Sanbaloolshe, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan iyo wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle Cabdi Daahir Guure-Karoore ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee Gobolkaasi.

Mas’uuliyiintan ayaa degmada Moqokori u tagay siddii ay u dhiirrigelin lahaayeen ciidamada Xoogga Dalka iyo Macaawiisleyda ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Taliyaha iyo Mas’uuliyiinta kale ayaa kulammo la qaatay saraakiisha ciidamada iyo maamulka deegaanka, waxaa ayna kala hadleen dardar gelinta dagaalanka ka dhanka ah Al-shabaab.

Socdaalkan ayaa kusoo aadaya iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay dagaallo culus oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab ay ka dhaceen duleedka deegaanka Mabaax iyo aagga degmada Aadan Yabaal ee xadka kala qeybiya gobolada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles