Thursday, January 29, 2026

Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay meel u dhow magaalada Masqad ee Cumaan

Booliska Cumaan ayaa sheegay in afar qof lagu dilay rasaas masjid ku yaal Wadi al-Kabeer oo u dhow caasimadda Masqad.

Ma jirto cid sheegatay weli mas’uuliyadda weerarka. Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada yaaa lagu arkayay rasaas la ridayo iyo dad cararaya. Boolisku waxay sheegeen in ay baarayaan.

Qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in dad badan oo goobta joogay ay dhaawacmeen. Wararka waxay sheegayaan in dadka cibaadeysanayay ay isugu yimaadeen xuska Cashuura. Weerarada ceynkan ah waa wax aan ka dhicin Cumaan.

Safaaradda Mareykanka ee Masqad ayaa joojisay dhammaan ballamaha dadka fiisaha doonaya. Sidoo kale waxay u sheegeen muwaadiniinta Mareykanka in ay feejignaadaan.

Sanadkasta malaayiin Muslimiinta Shiicada ayaa ka qeybgalaya munaasabadda Cashuura. Shiicada ku nool Cumaan waa laga tiro badan yahay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo ka adkaaday Xasan Sheekh iyo Waaranka oo laga laabtay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday...

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka...

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd...

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles