Weerar dad ku dhinteen oo ka dhacay meel u dhow magaalada Masqad ee Cumaan

Booliska Cumaan ayaa sheegay in afar qof lagu dilay rasaas masjid ku yaal Wadi al-Kabeer oo u dhow caasimadda Masqad.

Ma jirto cid sheegatay weli mas’uuliyadda weerarka. Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada yaaa lagu arkayay rasaas la ridayo iyo dad cararaya. Boolisku waxay sheegeen in ay baarayaan.

Qoraal ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in dad badan oo goobta joogay ay dhaawacmeen. Wararka waxay sheegayaan in dadka cibaadeysanayay ay isugu yimaadeen xuska Cashuura. Weerarada ceynkan ah waa wax aan ka dhicin Cumaan.

Safaaradda Mareykanka ee Masqad ayaa joojisay dhammaan ballamaha dadka fiisaha doonaya. Sidoo kale waxay u sheegeen muwaadiniinta Mareykanka in ay feejignaadaan.

Sanadkasta malaayiin Muslimiinta Shiicada ayaa ka qeybgalaya munaasabadda Cashuura. Shiicada ku nool Cumaan waa laga tiro badan yahay

WARARKII KALE

Xuutiyiinta oo sheegay in ay soo rideen diyaarad ay ku leedahay Sacuudiga

Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay soo rideen diyaarad aan...

Taliyaha ciidanka Badda oo Talyaaniga uga qaybgalay shir caalami ah

Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa...

Dad ku dhintay weerarada Sacuudiga

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa Arbacadii sheegay in saddex qof ay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles