Netanyahu oo shaaciyay sababta ka dambeysa in Qasa loo oggolaado gargaar kooban

Israa’iil waxay sheegtay inay ogolaatay shan gaari oo xamuul ah oo Qaramada Midoobay leedahay, kuwaasoo siday gargaar bini’aadantinimo, oo ay ku jiraan cunto ilmaha loogu talagalay, kaddib 11 toddobaad oo xannibaad ah.

Mas’uulka arrimaha bini’aadantinimada u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweeyay tallaabadaas, hase yeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay in ay tahay oo keliya ” dhibic biyo ah oo bad weyn ku dhacday, xilli ay jirto baahi degdeg ah, waxaana 2.1 milyan oo Falastiiniyiin ah ay ku nool yihiin dhul burburay oo ay dagaallo halis ah ka socdaan, halkaas oo khubaro caalami ah ay ka digeen macluul imaan karta.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in go’aankiisa ku-meel-gaarka ah ee uu gargaarka kooban ugu ogolaaday Qasa uu yimid kadib cadaadis uga yimid xulufo uu ku leeyahay Aqalka Sare ee Mareykanka.

“Ma doonayno in aan gaarno xaalad macaluul ah,” ayuu yiri Netanyahu isagoo ka jawaabayay dhaleeceyn uga timid gudaha Israa’iil.

Netanyahu ayaa sheegay in gaarsiinta cunnada ay sii socon doonto oo kaliya ilaa ciidamada Israa’iil iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay ka sameynayaan goobo lagu qaybiyo gargaarka iyadoo la raacayo qorshe Maraykanku taageeray oo ay diiday Qaramada Midoobay.

Wuxuu sidoo kale ku dhawaaqay in ciidamada Israa’iil ay “la wareegi doonaan dhammaan aagagga” Qasa, taasoo qeyb ka ah weerarka dhulka ah ee ballaaran ee ay Israa’iil Axaddii ka bilowday halkaa si ay ula dagaallanto Xamaas.

 

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles