Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday xerada Xalane ee Muqdisho

Weerar hoobiyeyaal ah ayaa saaka lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho sida ay dadka deegaanka sheegayaan.

Dhowr Hoobiye oo laga soo riday meel ka baxsan gudaha xerada ayaa ku dhacay, ilaa iyo 3 hoobiye ayaa la sheegay in halkaasi ay ku dhaceen.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa soo wariyay in hoobiyeyaashu ay ku dhaceen dhowr meelood oo kala duwan.

Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay maadaama goobta ay wax ku dhaceen durbadiiba ay xireen Ciidanka.

Sidoo kale Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay taliska Midowga Afrika ee AUSSOM iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro sidan oo kale ah ku qaaday gudaha xerada Xalane.

Xalane waa xero ciidan oo ay ku yaalaan xarumo muhiim ah, sida safaarado, xarumo hay’ado caalami ah iyo kuwa amni oo ay leeyihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles