Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle oo wada guluf dagaal oo dib loogu qabanayo Aadan Yabaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabelle ayaa bilaabay dadaallo milatari oo xooggan si ay dib ula wareegaan degmada Aadan Yabaal ee gacanta ugu jirta maleeshiyada Al-Shabaab tan iyo 16 Abriil 2025.

Wararka laga helayo gobolka ayaa sheegaya in abaabulka uu si xawli ah ku socdo, iyadoo la qorsheynayo in guluf dagaal oo culus lagu qaado degmadaas toddobaadkan gudihiisa.

Dhanka kale, maanta oo Talaado ah ayaa la filayaa in ay gaaraan degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale. Socdaalkooda ayaa la xiriira qiimeyn xaaladeed oo ku aaddan dagaalladii dhawaan ka dhacay aagga u dhexeeya Moqokori iyo Aadan Yabaal.

Shalay, agaasimaha hay’adda NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa isna booqday degmada Moqokori, isagoo la kulmay saraakiisha ammaanka.

Ciidamo gurmad ah ayaa weli ku sii qulqulaya xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo la filayo in howlgalka uu billowdo maalmaha soo socda.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles