Tuesday, June 23, 2026

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo xaruntii saddexaad ka hirgalisay degmada Deyniile

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa maanta xarunta saddexaad ee bixinta baasaboorka ka furtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka xaruntan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo saraakiil ka socday HSJ, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Dayniile iyo Hawlwadaag, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qeyb ka tahay dadaalka hay’addu ugu jirto ballaarinta adeegyada baasaboorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan adeeg u dhow, degdeg ah, isla markaana culeyska looga yareeyo xarumaha kale ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dhankiisa sheegay in xaruntan cusub ee Dayniile ay tahay astaan muujinaysa daadajinta adeegyada iyo dowladnimo horumarsan. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay madaxda iyo saraakiisha HSJ, isagoo xusay sida ay uga go’an tahay in la baahiyo adeegyada muhiimka ah ee la xiriira socdaalka iyo jinsiyadda.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles