Madaxweynahe Xasan Sheekh oo xeraga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Aw-qaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashiga iyo in loo duubto horumarinta xarumaha Dowladda, si sare loogu qaado awoodda Hay’adaha ee bixinta adeegyada muhiimka u ah bulshada .

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay sidii ay Wasaaraddu u dhaqangalisay ballamihii hore loola galay ee ku aaddan sare u qaadista tayada adeegga loo hayo Xujeyda Soomaaliyeed isla markaana in laga shaqeeyo in la khafiifiyo culeyska dhaqaale ee khidmadaha laga qaado muwaadiniinta.

“Dhismahan waa tusaale muujinaya kartida iyo isku-tashiga shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda. Waxa uu ka dhashay beekhaaminta dakhliga yar ee la qabto iyo ka go’naasho in wax la saxo oo la hormariyo hufnaanta adeegga loo hayo muwaadiniinta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhanka kale farriin digniin ah u diray argagixisada, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay la dagaallanka fikirka argagixisada caadeystay gumaadka shacabka Soomaaliyeed iyo burburinta goobaha Diinta.

“Qofkii ka soo laabta fikirka gurracan ee argagixisada waan soo dhaweynaynaa, waxa uuna la xaq iyo xuquuq noqon [doonaa] shacabka Soomaaliyeed. Qorshaha arxan darrada ah ee argagixisada waxa uu ku soo ururay xaggee dad badan joogaan aan qarxinnee. Ma waxaas baa diin iyo caqli ah,” ayuu tilmaamay Madaxwaynuhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu danbayn kormeeray qaybo ka mid ah dhismaha cusub ee Wasaaradda, isagoo u mahad celiyay hawlwadeennada kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta dhismahan cusub.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles