Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo xaruntii saddexaad ka hirgalisay degmada Deyniile

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) ayaa maanta xarunta saddexaad ee bixinta baasaboorka ka furtay Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Munaasabadda furitaanka xaruntan cusub ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga Gudaha ee XFS, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo saraakiil ka socday HSJ, Guddoomiyeyaasha degmooyinka Dayniile iyo Hawlwadaag, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee HSJ, Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay qeyb ka tahay dadaalka hay’addu ugu jirto ballaarinta adeegyada baasaboorka si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan adeeg u dhow, degdeg ah, isla markaana culeyska looga yareeyo xarumaha kale ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa dhankiisa sheegay in xaruntan cusub ee Dayniile ay tahay astaan muujinaysa daadajinta adeegyada iyo dowladnimo horumarsan. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay madaxda iyo saraakiisha HSJ, isagoo xusay sida ay uga go’an tahay in la baahiyo adeegyada muhiimka ah ee la xiriira socdaalka iyo jinsiyadda.

 

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles