Wararkii u dambeeyey dagaal ka qarxay degaanka Galcad

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo duhurnimadii maanta ka qarxay Tuulada Galcad ee Gobolka Hiiraan ee u dhaxaysa Degaanada Aboorey iyo Halgan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidanka Deegaanka iyo dagaalameyaasha Al shabaab kaasi oo sababay khasaara xooggan.

Dadka Deegaanka oo ayaa sheegay in goob ay isku uruursanayeen al shabaab la ogaaday kaddibna ay weerar ku qaadeen Ciidanka Deegaanka ee Hiiraan.

Dagaalka ayaa Soconaya Saacado maadaama uu Salaaddii Duhur ka dib bilowday rasaas culus iyo qaraxyo ayaana la maqlayaa, iyadoo khasaaraha ka dhashay dagaalkan aan weli la ogeyn.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidamadda lugta ee Xoogga dalka Soomaaliya, Jen. Khaalid Cabdullaahi Sheekh Cumar Sahal iyo Saraakiil kale oo ciidan ayaa gaaray furumaha hore ee dagaalka ka dhanka Kooxda Al-shabaab  gaar ahaan degmadda Moqokori ee Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Jen. Khaalid Cabdullaahi Sheekh Cumar Sahal, ayaa waxa uu horudhac u yahay wafdi ballaaran oo la filayo in ay dhawaan soo gaaraan degmadda Moqokori ee Gobalka Hiiraan.

WARARKII KALE

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles