Friday, May 1, 2026

DFS oo sheegtay in Mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan G/Jubbada Hoose

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Iyadoo la kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay duqeyn dhanka cirka ah laga fuliyay meel qiyaastii 40 meel waqooyi-galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, oo halkaasi ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka  Al-Shabaab.

“Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weeraro argagixiso oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya qoraalkeeda kuma sheegin khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo haddii la beegsaday saraakiil iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa intaasu lagu daray”Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa howlgalka AFRICOM, waxayna mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles