Siyaasiyiinta Mucaaradka oo maanta shir ugu furmaya Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo si gaar ah diiradda u saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka soo socda, amniga, dib u eegista Dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim u ah masiirka qaranka.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha ugu waa weyn ee mucaaradka, ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid mideynaya mowqifka siyaasadeed ee mucaaradka, iyagoo muujinaya walaac xooggan oo ay ka qabaan habka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u maareynayo geeddi-socodka doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka hadda lagu wado diyaarinta doorashooyinka, waxayna ugu baaqeen in la helo hannaan loo dhanyahay oo hufan, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Sida la filayo, waxaa laga soo saari doonaa shirkan warmurtiyeed rasmi ah oo lagu caddeyn doono mowqifka rasmiga ah ee mucaaradka ku aaddan doorashooyinka, dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta qaranka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale xusay inay sii kordhin doonaan dadaallada siyaasadeed iyo wada-tashiyada, si ay ugu cadaadiyaan dowladda federaalka in ay qaadato hannaan hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles