Friday, April 10, 2026

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo maanta shir ugu furmaya Muqdisho

Siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa maanta shir ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaasoo si gaar ah diiradda u saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka soo socda, amniga, dib u eegista Dastuurka iyo arrimo kale oo muhiim u ah masiirka qaranka.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen hoggaamiyeyaasha ugu waa weyn ee mucaaradka, ayaa lagu wadaa in uu noqdo mid mideynaya mowqifka siyaasadeed ee mucaaradka, iyagoo muujinaya walaac xooggan oo ay ka qabaan habka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u maareynayo geeddi-socodka doorashooyinka.

Mucaaradka ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn qaabka hadda lagu wado diyaarinta doorashooyinka, waxayna ugu baaqeen in la helo hannaan loo dhanyahay oo hufan, si looga hortago qalalaase siyaasadeed iyo mid amni.

Sida la filayo, waxaa laga soo saari doonaa shirkan warmurtiyeed rasmi ah oo lagu caddeyn doono mowqifka rasmiga ah ee mucaaradka ku aaddan doorashooyinka, dastuurka iyo dib-u-heshiisiinta qaranka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa sidoo kale xusay inay sii kordhin doonaan dadaallada siyaasadeed iyo wada-tashiyada, si ay ugu cadaadiyaan dowladda federaalka in ay qaadato hannaan hufan oo lagu wada qanacsan yahay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Kheyraadka dalkeenu waxa uu noqon doonaa mid dadkeenna hormariya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa...

MW Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka Tamarta Turkiga oo yimid Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada...

Shacabka Jabuuti oo maanta u dareeray doorashada madaxtinimada

Shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa maanta oo Jimce ah si...

Itoobiya oo gacanta ku dhigtay magafe Soomaali ah oo dadka Tahriibiyay

Booliiska Itoobiya ayaa xiray nin lagu eedeeyay inuu udub...

Tahriibiyaal ku geeriyooday Faransiiska

Ugu yaraan 4 qof oo muhaajiriin ah ayaa ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles