Trump oo ku dhawaaqay inuu soo rogi doono Canshuur dheeri ah

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu laba jibaari doono qiimaha hadda ee birta iyo aluminiumka la keeno dalkaasi oo ahayd 25% uuna gaarsiinayo ilaa 50%, laga bilaabo Arbacada.

Isaga oo ka hadlayay isku soo bax ka dhacay magaalada Pittsburgh ee gobolka Pennsylvania, Trump wuxa uu sheegay in tallaabadan ay gacan ka geysan doonto kor u qaadista warshadaha birta ee maxalliga ah iyo alaabah qaranka, iyada oo hoos u dhigi doonta ku tiirsanaanta Shiinaha.

Trump waxa kale oo uu sheegay in $14bn lagu maalgelin doono wax soo saarka birta ee aaggaas iyada oo ay iska kaashanayaan US Steel iyo Nippon Steel ee Japan. Faahfaahinta ku saabsan iskaashiga weli ma cadda, labada shirkadoodna weli ma xaqiijin heshiiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah wajigii ugu dambeeyay ee Trump ee canshuuraha tan iyo markii uu xafiiska dib u soo galay bishii Janaayo

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles