Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa maanta martigelineysa doorashada laba kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kuraasta la dooranayo ayaa kala ah HOP097 iyo HOP098, kuwaas oo banaanaa kadib geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale (Sey-Sey), oo labaduba ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka.
Musharraxiinta u tartamaya kuraastan ayaa kala ah:
Cabdikariin Maxamed Diiriye, oo u sharaxan kursiga HOP097
Cabduqaadir Maxamuud Maxamed (Sey-Sey), oo u tartamaya kursiga HOP098
Labadan musharrax ayaa ka mid ah afar musharrax oo buuxiyay dhammaan shuruudihii guddiga doorashooyinka, waxaana si rasmi ah loogu guddoonsiiyay shahaadada musharraxnimo magaalada Jowhar.
Doorashadan waxaa lagu wadaa inay ku dhacdo jawi hufan, waxaana goobjoog ka noqon doona ergada dooraneysa, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyo kormeereyaal madax bannaan, si loo xaqiijiyo daahfurnaan iyo cadaalad.