Friday, May 1, 2026

Doorashada kuraas ka mid ah golaha Shacabka oo maanta ka dhacaysa Jowhar

Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa maanta martigelineysa doorashada laba kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Kuraasta la dooranayo ayaa kala ah HOP097 iyo HOP098, kuwaas oo banaanaa kadib geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Jimcaale (Sey-Sey), oo labaduba ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka.

Musharraxiinta u tartamaya kuraastan ayaa kala ah:

Cabdikariin Maxamed Diiriye, oo u sharaxan kursiga HOP097

Cabduqaadir Maxamuud Maxamed (Sey-Sey), oo u tartamaya kursiga HOP098

Labadan musharrax ayaa ka mid ah afar musharrax oo buuxiyay dhammaan shuruudihii guddiga doorashooyinka, waxaana si rasmi ah loogu guddoonsiiyay shahaadada musharraxnimo magaalada Jowhar.

Doorashadan waxaa lagu wadaa inay ku dhacdo jawi hufan, waxaana goobjoog ka noqon doona ergada dooraneysa, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyo kormeereyaal madax bannaan, si loo xaqiijiyo daahfurnaan iyo cadaalad.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 30 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah u shaacisay inay...

Dagaalka Iran oo la sheegay inay sabab u tahay soo laabashada burcad-badeeda xeebaha Soomaaliya

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo...

Amniga Baydhabo oo si weyn loo adkeeyay iyo xilli doorashooyin dhawaan la filayo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa wajahaysa xaalad...

Siyaasiyiinta Mucaaradka iyo odayaasha dhaqanka oo hal arrin ka wadahadlay

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho ayaa kulan la...

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Itoobiya

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya, Bashiir...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles